U bood dhigaalka

Galmudug: Jadwalka Doorashada Saddex Kursi Oo La Shaaciyay

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga hirgelinta doorashooyinka SEIT ee Galmudug ayaa shaaciyay jadwalka iyo habraaca doorashada saddex kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka.

Kuraasta guddiga ay shaaciyeena ayaa kala ah HOP#038, HOP#069 iyo HOP#095, kuwaas oo la sheegay in doorashadooda la qabanayo 12 bishaan.

Waxaa baarlamaankii 10-aad kuraastaan Galmudug ku matalayay xildhibaanada kala ah :-

HOP#038: Waxaa ku fadhiyay xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.

HOP#069: Waxaa ku fadhiyay xildhibaan  Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa.

HOP#095: Waxaa ku fadhiyay xildhibaan  Cabdikariin Khaliif Dhalac.