U bood dhigaalka

Galmudug: Labo Kursi Ayaa Aqalka Sare Loogu Daray Beelo Ka soo Jeeda Puntland

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa ka soo horjeestay 2 kursi uu sheegay in madasha ay ugu dartay maamulka Puntland aqalka sare.

Madaxweynaha Galmudug Cabdikarim Xuseen Guuleed oo saacado ka hor ka degay Galkacyo ayaa gaashaanka ku dhuftay kuraastaas uu sheegay in Puntland loogu daray aqalka sare.

Madaxweynaha ayaa sheegay in aaney Galmudug aqbaleyn wax kuraas ah oo loogu daro maamulka Puntland xilli uu la hadlayey shacab ku soo dhaweeyay magaalada Galkacyo.

Ergada ka socotay Galmudug lagalama tashan kuraasta aqalka sare ee loogu daran Puntland, kama aysan hadlin, sidaa darteed maamulkeena waxaa uu go’aan ku gaaray in uu ka soo horjeesto go’aankaas.

Wasaaradda warfaafinta ee Galmudug ayaa Goobjoog News u xaqiijisay in waxa ay ka cabanayaan ay tahay xubnaha la sheegay in loo qoondeeyay beelaha dega Sool iyo Sanaag kuwaas oo qeyb ka ah beel ahaan maamulka Puntland.

Doorashada: inkasta oo la sheegay in kuraasta aqalka sare lagu qeybinayo qaab maamul goboleed hadana nidaam beeleed meesha kama marna oo beel kasta waxaa ay fiirineysaa waxa uga soo aadaya kuraasta maamulkaas, waa marka laga hadlayo 4.5-ka ay haatan ku saleysan tahay siyaasadda dalka.

Galmudug Maxaa Qeylada Ka Keenay:

Kuraastan hoose ee Somaliland waxaa ay si dadban u aadayaan Puntland, sidaa waxaa leh Galmudug

  1. Kuraasta Aqalka Sare ee Beelaha Somaaliland 

Madasha Madaxda Qaranka oo tixgalineysa go’aanadii ka soo baxay kulankii Baydhabo kuna saabsanaa xalinta saami-qeybsiga iyo hannaanka doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Somaliland iyo sidoo kale heshiiskii 12 Abriil 2016 doorashooyinka dadban ee 2016 iyo hannaanka dhismaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo qeexaysa“Dawlad goboleedyada hadda jira ama dhismaya waxay samaysanayaan qaab ay kuraasta ugu qaybiyaan beelaha/dadyowga ama deegaanada, qaabkaas oo ah mid isku dheelitiran oo loo wada dhan yahay, iyadoo la hubinayo in dadka laga tirada badanyahay ay helaan metelaad ku filan”. Madashu waxay go’aamisay in qoondada 3-da kursi ay qoonda ahaan u leeyihiin beelaha Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle oo hal kursi ka mid ah ay leeyihiin beelaha laga tira badan yahay ee deggan degaannadaas.

Waxay sidoo kale Madashu go’aamisay in 2 xubnood lagu kordhiyo tirada kuraasta ay qoonda ahaan beelaha Soomaaliland ku leeyihiin Aqalka Sare ee Baarlammaanka Federaalka.

Ugu dambeyn waxaa Odayaasha dhaqanka loo xilsaaray inay qaybinta kuraastaasi ka soo wadatashadaan meelmarinta kama dambeysta ahna ku soo wargeliyaan Xafiiska Madaxweynaha Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Xafiiska R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Goobjoog News