U bood dhigaalka

Galmudug: Madaxweyne Guuleed Caafimaad Buuxa Ayuu Qabaa

Sheeko:Caafimaadka

Maamulka Galmudug ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay warar maamulku uu sheegay in la faafiyey oo ka hadlayey xaaladda caafimaad ee madaxweeynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo arrimo caafimaad u jooga dalka Hindiya.

Wasiir ku xigeenka cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Galmudug Maxamud Guure Guuleed oo Goobjoog FM lasoo xiriiray ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu caafimaad qabo.

Wasiirka ayaa been abuur ku sheegay warar la isla dhexmarayo oo sheegaya in Madaxweyne Guuleed xaaladdiisu tahay mid aad u adag.

Waxa uu sheegay in madaxweynaha Galmudug xaaladdiisu ay hadda tahay mid aad u wanaagsan oo ay la xiriireen islamarkana warku aan ahayn sida maalmahan dambe la isla dhexmarayey.

“Dadka waxaan u xaqiijinaynaa in madaxweynaha Galmudug xaaladdiisa caafimaad ay tahay mid wanaagsan, waxaan doonaynaa in dadka Soomaaliyeed aan u cadeynno wararka sheegaya in madaxweynaha xaalad halis ah ku jiro ama wax la mid ah ay been abuur tahay” ayuu yiri wasiir ku xigeenka cadaaladda ee Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa dhowaan howlo caafimaad u aaday wadanka Hindiya.

Goobjoog News