U bood dhigaalka

Galmudug: Madaxweyne Ku Xigeenka Oo La Doortay

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashada Galmudug ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka Galmudug loo doortay Cali Daahir Ciid ka dib doorasho maanta ka dhacday magaalada Dhuusamreeb ee caasimadda maamukaasi.

Xilka madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa ku tartamayay murashaxiinta kala ah Axmed Yuusuf Warsame, Cali Daahir Ciid, Saadaq Cabdulaahi Xaaji Xaashi, Cabdiqani Sheekh Cali Diini, Maxamed Xaashi Cabdi.

Wareega 1-aad ayey xildhibaanadu ugu kala codeeyeen murashaxiinta madaxweyne ku xigeenka sida tan:

1.Axmed Yuusuf Warsame 6 Cod

2.Cali Daahir Ciid 26 Cod

3.Saadaq Cabdulaahi Xaaji Xaashi 7 Cod

4.Cabdiqani Sheekh Cali Diini 26 Cod

5.Maxamed Xaashi Cabdi 12 Cod

Wareega 2-aad ayaa waxaa tanaasulay Maxamed Xaashi Cabdi iyo Saadaq Cabdulaahi Xaaji Xaashi, iyada oo ay wareegaasi ay ku loolameen Cali Daahir Ciid iyo Cabdiqani Sheekh Cali Diini, waxaana ugu dambeyn codad gaaraya 46 cod ku guuleystay Cali Daahir Ciid oo noqonaya madaxweyne ku xigeenka Galmudug, halka Cabdiqani Sh Cali Diini uu helay 31 cod.

Magaalada Dhuusamreeb ayaa maanta laga dareemayaa jawi doorasho iyada oo ay xusid mudantahay in isla magaaladasi 29-kii Janaayo madaxweyne loogu doortay Sheekh Shaakir.

Goobjoog News