U bood dhigaalka

Galmudug: Maleyshiyaad Ku Dagaalamay Deegaanno Ku Hareeraysan Gadoon oo La Heshiisiiyay

Sheeko:Dalka

 

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug iyo odayaasha dhaqanka magaalada Gadoon ah ayaa ku guuleystay iney heshiisiiyaan beelo walaalo ah oo dhawaan xurguf colaadeed ku dhex martay deegaannadaas.

Kulamo dib u heshiisiin ah oo maalmihii ugu dambeeyay ka dhacay deegaanka Gadoon ayaa wasiirro ka tirsan Galmudug iyo odayaal dhaqameed ay ugu dambeyn ku guuleysteen iney beelahaas heshiisiiyaan.

Qaarka ka mid ah odayaasha dhaqanka beelaha heshiiyay oo ka hadlay goob lagu soo bandhigayay heshiiska dhinacyada dagaalamay ayaa sheegay iney isla qaateen ka shaqeynta nabadgalyada iyo xasilloonida deegaanka, “Waxaan rabnaa in la isku samro, la isku dulqaato, la isku tanaasulo, waxbadan la fiiriyo, wakhtiga maanta lagu jiro oo aad iyo aad u kulul, abaarta ah, colaadda ah, cuqdadda ah, Illaahayna laga rajeynayo in kheyr iyo barwaaqo laga helo, walaalayaan nabaddoonno inaad soo dhawaataan, gogoshaan maanta waa intaas” ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradkii goobta ka hadlay.

Wasiirka Gaadiidka Galmudug Axmed Mire iyo wasiir ku-xigeenka shaqada iyo shaqaalaha Maxamed Nuur Diini oo iyana ka hadlay goobta ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka iney nabadda ka shaqeeyaan, iyagoo sheegay iney ka maamul ahaan ay tallaabo ka qaadi doonaan ciddii jabisa heshiiska ay beeluhu wada gaareen gaareen.”Idinkaa la idinka rabaa odayaashiinnay gabbal sii dhacaya ayaad tihiin in khaatumada Illaahay idinku toosiyo oo daalimiinta dadka dilaya aad iska qabataan, saas ayaad horumar ku gaareysaan, annaga waxaad naga codsataan waa naga diyaar, marka ay ugu yaraato magaca noosoo gudbiya, ninkii hore u jiranaa in la daaweeyo, wixii horey idiin dhex mareyna la isku tanaasulo”, ayuu yiri wasiirka Gaadiidka Galmudug.

Maleeshiyaad la sheegay iney aano qabiil ku dagaalamayaan aya 10- 11 bishii Janaayo waxay iska dileen 4 ruux halka ay iska  dhaawacmeen dad intaa ka badan deegaanno ku hareeraysan Gadoon oo ay ku jiraan Hogdugaalle iyo Dawacoole.

Goobjoog News