U bood dhigaalka

Galmudug: Maraykanka Iyo Puntland Ayaa Ka Dambeeyey Weerarkii Lagu Dilay Ciidankeenna (SAWIRRO)

Sheeko:Dalka

Kadib markii weerarkii khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac dhaliyay ee ka dhacay duleedka magaalada Gaalkacyo waxaa goobtii ay wax ka dhaceen gaaray masuuliyiin, taliyeyaal, saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Galmudug.

Masuuliyiintii Galmudug ee gaaray halka ay diyaaradaha duqeymaha la dhaceen ayaa ku eedeeyay weerarkaasi inay fulisay dowladda Maraykanka islamarkaana warbixinno qaldan ay siiyeen saraakiil ka tirsan Puntland oo fadhigoodu yahay garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo.

Taliyaha ciidanka ammaanka gobolka Mudug ee Galmudug Gaashaanle Sare Xasan Faarax Kaarshe oo warbaahinta kula hadlay goobta uu weerarka ka dhacay ayaa sheegay in weerarkaasi ay si qaldan u fuliyeen ciidanka Maraykanka oo gacan ka helaya ciidanka PIS-ta Puntland.

“Iyagoo doonaya inay soo baxaan ayaa waxaa soo weeraray ciidanka Puntland iyo diyaaradaha Maraykanka iyo sagaal gaari oo ah kuwa dagaal, way iska soo baxeen kadib waa laga daba yimid baa la laayay ciidankii baabuurtiina waa la gubay, waxa weeye Hectarro ayaa lagu garaacay oo ah hubka Daacish loo adeegsado” ayuu yiri taliyaha.

Wuxuu kaloo sheegay in ciidanka Maraykanka ay warbixinnada ka qaataan qoys meel deggan sida uu warka u dhigay, wuxuuna sheegay in 13 ay dhinteen oo askar ah halka 2 qofna ay ku dhaawacantay.

Dhanka kale, guddoomiye xigeenka gobolka Mudug ayaa isna sheegay in la bar garanayo ciidanka weerarka geystay oo uu ku tilmaamay inay yihiin ciidanka nabad sugidda Puntland iyo kuwa Maraykan ah oo deggan garoonka diyaaradaha.

Shalay in ka badan seddex saac ayaa dadka degaanka ay u sheegeen Goobjoog News in ay dul wareegayeen diyaarado dagaal goobta ay wax ka dhaceen ee duleedka Gaalkacyo.

Xaaladda ayaa deggan halkii ay wax ka dhaceen waxaana goobta loogu tagay burburka ka muuqday baabuurtii dagaal ee la duqeeyay iyo sida dhulka uu u saameeyay xoogga wixii ay diyaaraduhu soo tureen.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA:

weerarkii-jeexdin-5 weerarkii-jeexdin-1 weerarkii-jeexdin-2 weerarkii-jeexdin-3 weerarkii-jeexdin-4

Goobjoog News