U bood dhigaalka

Galmudug: Nabaddoon Ka Hadlaya Sida Ay Liiska Uga Saareen Wasiir Sabriye, Guddoomiyaha Dayniile iyo Hareeri

Sheeko:Dalka

Nabaddoon Cabdullahi Daahir Maxamed oo ka tirsan liiska saxiixayeyaasha Galmudug oo la soo xiriiray Goobjoog News ayaa ka sheeganaya in xoog looga saaray liiska saxiixayaasha Galmudug isaga oo ku eedeeyey musuq iyo in ay ku badaleen ehaladooda.

Cabdullahi Daahir oo arrintaas ka hadlaya waxaa uu yiri“Waxaan ka mid ahaa saxiixayaashii Galmudug soo dhisay 2015-kii, wasiir Sabriye bishii 6-7aad waxaa uu horay noogu khudbeeyey in saxiixayaasha wax aan aheyn la keeni karin, oo Jubbaland ay sidaas ku diideen, hadda isaga iyo shaqaalihii balantii ka baxay, weliba kala rogaa oo bannaanka na dhigay, oo kuwoo aan horay ugu jirin xareysay”.

Nabaddoonka oo sii hadlaya waxaa uu yiri “Cadaaladdii iyo musuqii iney gacanta ku jiraan ayaa muuqato, afkooda iyo uurkooda iska laha”.

Nabaddoon Daahir waxaa uu si gaar ah uga sheegtay“Aniga Guddoomiyaha degmada Dayniile Jacfar Abuukar Cali ayaa igu badaly walalalkii, waxaa uu kaashaday Yaxye Hareeri, micnaha waxaa waayey wixii loo dira yeeli maa waaye, qof wixii la rabo loo yeeriyo ayaa la rabaa, Xildhibaanno, agaasimeyaal iyo guddoomiyeyaal degmo oo shaqadii Xamar ku hayeen ka soo tagay ayaa jooga halkan, saaka odeyaasha waa la xareeyey, aniga gurigeyga ayaan joogaa”.

Goobjoog News uma suurogelin xaqiijinta eedeynta loo soo jeediyey shakhsiyaadka uu nabaddoonka magacyadooda sheegay, xiriir aan la sameynaya ma suurogelin.

Goobjoog News