U bood dhigaalka

Galmudug: Odeyaal iyo Ganacsato Xabsiga Loo Dhigay Xiriir Ay La Lahaayeen Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud lagu soo lagu  xiray dad ganacsato iyo Odayaal Dhaqameed isugu jiray iyo 4 gaadiid.

Howlagalkaan ayaa si gooni ah waxaa uu uga dhacay deegaanka Baxdo oodhaca bariga magaalada Cadado, waxaana la sheegayaa in ciidamada ay gacanta ku dhigeen Lix ruux iyo afar gaadiid ah oo lagu eedeyey in ganacsi ay lasameen Al-shabaab oo ku sugan qeybo ka mid ah gobolka.

Ciidamada ayaa dadkia iyo gaadiidkii howlgalka lagu qabtay u qaaday magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug, halka hawlgalkii uu weli ka socda Baxdo iyo agagaarkeeda.

Wasaaradda amniga Galmudug ee uu hoggaamiyo Axmed Macalin Fiqi ayaa dhowaan sheegtay in talaabo sharciya ay ka qaadeyso Odayaasha iyo ganacsatada la kulma Al-shabab.

Goobjoog News