U bood dhigaalka

Galmudug: Odoyaashii Aaday Al-shabaab Iyaguna Waa La Mid”

Sheeko:Amniga

Taliska Booliiska qeybta gobolka Mudug ee Galmudug ayaa sheegay in tallaab adag ay ka qaadi doonaan waxgaradkii dhowaan u tagay Al-shabaab, si loo diiwaangeliyo.

G/sare Maxamed Nuur Cali Gadaar oo ah taliyaha qeybtan, ayaa sheegay in waxgaradkii iska soo diiwaangeliyey Al-shabaab ay fuleynimo u geysay, balse iyaguna u aqoonsan doonaan iney Al-shabaab ka mid yihiin.

Sidoo kale, taliyaha ayaa uga digay waxgaradka ku dhaqan deegaannada Galmudug, iney aadaan deegaannada Al-shabaabka maamulaan.

“Odoyaashii u tagay Al-shabaab waxaan u aragnaa iney ka tahay fuleynimo, waxaanse u sheegayaa iney iyaga la mid yihiin oo aan tallaab adag ka qaadi doonno” ayuu yiri taliyaha.

Al-shabaab ayaa dhowaan waxay soo bandhigeen waxgarad badan oo ay sheegeen iney ahaayeen kuwii wax kasoo xulay xildhibaannada golaha shacabka, islamarkaana ay cafis u fidiyeen,

Goobjoog News