U bood dhigaalka

Galmudug Oo Adkeysay Baaqa Nabadeed Ee Dagaalka Xeraale

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa mar kale ku celiyey baaqa nabadeed ee ku aadan dagaalladii ka dhacay deegaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud.

Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay in loo baahan yahay in nabad buuxda ay helaan shacabka Xeraale, sidoo kalena la joojiyo xiisad walbo oo hurin karta xaaladda deegaankaasi.

Waxa uu Madaxweyne ku xigeenka sidoo kale ugu baaqay hay’adaha Samofalka ah in gurmad degdeg ah ay la gaaraan shacabka ka barakacay deegaanka Xeraale ee ku dhibban deegaannada duleedka ka ah deegaankaasi.

“Mar kale waxaan ku baaqeynaa in la taageero dib u heshiisiinta, oo la joojiyo dagaalka xeraale iyo dhiirogelinta, nabadda la taageero, waxgaradkana lagala shaqeeyo nabadda, waxaan ugu baaqeynaa hay’adaha caalamiga iyo shacabka Soomaaliyeed ee dhaqaalaha haysta in wixii ay tari karaaan u taraan shacabka ka barakcay dagaalka Xiraale” ayuu yiri Mudane Xaashi.

Waxgaradka gobolka Galgaduud ayaa wada dedaal ay ku xalinyaan xiisad ka jirta Xeraale, taasi oo u dhaxeysa ciidamada Ahlu-sunna iyo ciidan deegaanka ah.

Goobjoog News