U bood dhigaalka

Galmudug Oo Biyo Dhaamin Sameeyneysa

Sheeko:Dalka

Wasiirka gargaarka iyo beni’aadanimada ee Galmudug Shire Xirsi Maxamuud ayaa ka hadlay abaaraha ka jira degaannada Galmudug.

Wuxuu sheegay inguddiga abaaraha ee uu madaxweynaha magacaabay ee isaga guddoonka u yahay inay tageen inta badan degaannada gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Wasiirka gargaarka Galmudug Shire Xirsi ayaa sheegay in seddex jiho ay kala aadeen sida dhanka bari ee labada gobol iyo waqooyiga gobolka Galgaduud.

“Gobolka Mudug xaaladda faraha ayay ka baxday, tusaale dhanka bari iyo degmooyinka Hobyo iyo Wisil aad beey dadku u il daran yihiin, waxaana maanta la dhihi karaa degaannada dadka ku nool waxba isma dhaamaan oo abaartu si isku mid ah beey u saameysay” ayuu yiri wasiirka.

Dhanka kale, wasiirka gargaarka Galmudug ayaa sheegay in ka Galmudug ahaan ay billaabayaan biyo dhaamin laga sameeynayo degaannada ugu daran.

“Dadkii xoolo dhaqatada ahaa qaarkood waxay aadeen magaalooyinka waa weyn, qaarna weli waxay ku sugan yihiin degaannaddii ay xoolaha uga dhammaadeen, oo ay isleeyihiin armaa Alle roob keenaa waxaadna moodaa in dadku intooda badan ay ku soo aruurayaan magaalooyinka waa weyn, gobolka Mudugna biyaha aad beey ugu yar yihiin, tallaabada xigtana waxa weeye biyo dhaamin inaan sameyno ka Galmudug ahaan” ayuu yiri wasiirka.

Gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa kamid ah gobollada dalka oo ay ka jirto abaarta aadka u daran ee saameysay dadka iyo duunyada oo meelaha qaar dadku ay harraad u dhimanayaan.

Goobjoog News