U bood dhigaalka

Galmudug Oo Digniin U Dirtay Dadka Hubka Kuwata Deegaanadeeda

Sheeko:Amniga

Wasaaradda Amniga dowlad gobaleedka galmudug ayaa digniin u dirtay dadka hubka sharci darada ah ku dhex haysta gudamaha caasimadda Dhuusamareeb.

Shir jaraa’id oo magaalada dhuusamareeb ay ku qabatay wasaaradda amniga galmudug ayaa lagu faray in dadka haysta hubka sharci darada ay ku soo wareejiyaan laamaha ammaanka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda amniga  Maxamuud Muuse ayaa sheegay in aan la aqbali doonin cid hub aan sharciyeeysaneyn ay gudaha magaalada ku dhex wadato.

“Wasaaradda amniga waxa ay horay u mamnuucday hubka sharci darada ah kuwaas oo lagu dhex wato caasimadda galmudug iyo midka soo galaya intaba, waxaan ogaysiinayna ciddii haysata hub sharci darro ah ay ciidamada amniga ku wareejiyaan, ciddii u baahan oo ka maarmi wayda hub inay haysato hayimaadaan wasaaradda amniga halkaasna halooga sameeyo sharci,” ayuu yiri agaasimaha wasaaradda amniga galmudug Maxamuud Muuse.

arrintaan ayaa ku soo aadaysa xilli shalay magaalada dhuusamareeb dil loogu gaystay laba askari, 7 kalena lagu dhaawacay, xilli magaalada ay ku sugnaayeen.

Goobjoog News