U bood dhigaalka

Galmudug Oo Diyaarinaysa Xarumo Waxbrasho Oo Lacag La’aan Ah

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug State ayaa sheegay inay wadaan qorshe ay ku doonayaan inay ku dhisaan xarumo waxbarasho oo ay ku doonayaan in ardayda si lacag la’aan ah wax ugu bartaan.

Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay in ay wax badan ka qaban doonaan horumarinta adeegyada Bulshada, islamarkaana ay wadaan qorsheyaal kale oo dhowr ah.

Ugu horeen ayuu sheegay in ay hirgelin doonaan Dugsi sare oo uu tilmaamay in deegaanno badan oo Galmudug ah lahayn, kadibna ay ku dadaali doonaan in canug walba oo Galmudug ku sugan inuu helo waxbarasho lacag la’aan ah.

Maxamed Xaashi ayaa hoosta ka xariiqay hadii la helo xarumo waxbarasho inay ka dhigan tahay horumar ballaaran oo la sameeyay.

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa soo hadal qaaday dagaal beeledyada ka dhaca deegaanada Galmudug in lasoo af jari doono, islamarkaana la’isku dhafi doono ciidamada maamulka Galmudug.

Goobjoog News