U bood dhigaalka

Galmudug Oo Eedeyn u Jeedisay Villa Somalia

Sheeko:Amniga

Galmudug ayaa xukuumadda federaalka ku eedeeysay in ay hurineeyso colaado ka jira gobolka Galgaduud.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb ayaa si cad loogu sheegay in dowladda Galmudug ay aad uga xun tahay colaad beeleed ka soo cusboonaatay waqooyiga gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Balanbal.

Waxaa sidoo kale qoraalkani lagu sheegay in colaaddaasi ay tahay kuwa ay faraha kula jirto Villa Somalia, islamarkaana la siyaasadeeynayo.

Warmurtiyadeedka ka soo baxay madaxtooyada Galmudug ayaa imaanaya iyadoo wali xiriirka u dhaxeeya qaar kamid ah dowlad goboleedyada sida Galmudug iyo Villa Somalia uu meesha ka maqan yahay.

Hoos Ka Daawo Muuqaalka.         

 

 

Goobjoog News