U bood dhigaalka

Galmudug Oo Fursado Shaqo Siineysa Dhallinyarada

Sheeko:Dalka

Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda maamulka Galmudug Maxamed Axmed Faarax ayaa sheegay inay shaqaleysiin donaan dhallinyarada ku nool deegaannada maamulka Galmudug, kuwaasi oo shaqo la’aan ay haysato.

Waxa uu sheegay Wasiir ku xigeenka in ay ka faa’ideysan doonaan dhallinyarada waxbaratay iyo kuwa kale ee xirfadaha leh, islamarkaana laga doonayo inay soo codsadaan shaqooyinka ayna yimaadaan xafiisyada wasaaradda maaliyadda.

“Waxaan rabaa aniga oo ka faa’ideysanaya fursaddan inaan u sheego dhallinyarada iyo dadka waxbartay in fursado shaqo ka bannaanyihiin wasaaradda maaliyadda, waxaa jira xafiis cusub oo la qaadanayo, xayeeysiin ayaa shaqooyinkaasi lagu sameeyay, marka waxaan dhihi lahaa dhallinyarada iyo dadka aqoonyahnnada ah ka faa’ideysta” ayuu yiri wasiir ku xigeenka.

Ugu dambeyn wasiir ku xigeenka ayaa tani  ku sheegay markii ay arkeen in shaqo la’aan ay haysato dhallinyarada Galmudug ay soo bandhigeen shaqooyinka ka wasaarad ahaan ka bannaan.

Deegaannada Galmudug waxaa ku sugan dhallinyaro badan oo waxbartay balse aan shaqo hayn.

Goobjoog News