U bood dhigaalka

Galmudug Oo Guul Ka Sheegatay Dagaal Ay La Gashay Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa guul ka sheegtay Dagaallo ay la galeen Xaerakada Al-shabaab, kaasi oo ka dhacay deegaanno ku dhaw degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Wasiirka Warfaafinta & Dhaqanka maamulkaasi Maxamuud Aadan Cismaan (Mesagaway) ayaa sheegay in ciidamada Galmudug ay dagaal ku qaadeen Xarakada Al-shabaab oo ku sugnaa deegaannad Caad & Ceel-Cabdi .

“Dowladda gobaleedka Galmudug oo in muddo ah wadday dadaallo lagu sugayo amniga iyo nabadeynta ee deegaanada Galmudug ayaa ciidanku ay maanta oo ah 1da Maarso 2016 ay guulo ka soo hoyeen oo kooxaha argagaxisada ah laga sifeeyey agagaarka deegaanka Caad & Ceel-Cabdi oo ay isku urursanayeen si ay u soo weeraraan deegaanka oo dhowaan farahooda laga maroojiyey. Guushii maantana waxey kalsooni gelineysaa shacabka deegaanka oo maalin walba hubsanaya in geesiyaasha ciidamad GalMudug ay heegan joogta ah ugu jiraan sidii argagaxisada looga sifeyn lahaa dhammaan deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan.”

“Dowladda GalMudug ee Soomaaliya waxey go’aansatay in dagaal culus lagu qaado kooxaha argagaxisada ah si loogu diido goobo ay ku dhuumaaleystaan. Ciidanka GalMudug iyagoo ka duulaya awaamiirtii Madaxweynaha GalMudug isla markaashana kaashanaya shacabka deegaanka ayaa waxey ka war-heleen in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay isu abaabulayeen inay dagaal ku soo qaadaan deegaanadii dhowaan laga saaray. Sidaas daraadeed ayey ciidanku iyagoo kaashanaya shacabka go’aansadeen inay dagaal ku qaadaan oo ku soo dhamaaday guul oo kooxihii argagaxisada laga saaray deegaanadii ay ku dhuumaaleysaneyeen ee Gobolka Mudug. Argagaxisada ayaa meydkooda iyo dhaawacooda urursaday oo u firxaday dhanka degmada Xarardheere.”

Ugu dambeyn wasiirka ayaa shacabka Galmudug ugu baaqay inay kaalin ka qaataan howlgallada uu sheegay in goballada Mudug iyo Galgaduud looga saarayuo Xarakada Al-shabaab.

Goobjoog News