U bood dhigaalka

Galmudug Oo Ka Digtey Sii Socoshada Dagaallada Caabudwaaq

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa ka digey iney soo socdaan dagaallo ka dhacay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, kaasi oo u dhaxeeyay maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan.

Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Maxamed Xaashi Cabdi oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay dhinacyadii ku dagaallamay Caabudwaaq in xabadda ay joojiyaan, islamarkaana wax walbo lagu dhameeyo wada hadal.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu sheegay in xilligaan aaney u baahneyn dagaallo ka dhaca dushooda, balse ay doonayaan nabad iyo xasilooni.

Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa soo dhoweeyey heshiis Todobaadkii tagey dalka Isku Tagga Imaaraatka Carabta ku dhexmaray madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug, kaasi oo ku saabsanaa dagaallada Gaalkacyo.

Galmudug ayuu sheegay in mar walbo ay diyaar u tahay iney ka dhabeyso heshiis walbo oo ay la gaarto Puntland.

Goobjoog News