U bood dhigaalka

Galmudug Oo Ka Hadashay Ciidamo La Wareegay Madaxtooyada Cadaado (Dhageyso)

Sheeko:Amniga

Maamulka Galmudug ayaa ka hadlay ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan NISA iyo sidoo kale kuwa Danab oo xalay la wareegay madaxtooyada degmada Cadaado ee Galgaduud.

Agaasimaha Madaxtooyada galmudug Maxamed Cabdi Aadan oo warbaahinta kula hadlay Galmudug wuxuu sheegay iney ka xun yihiin arrintaasi una arkaan ku xad-gudub ay waddo dowladda federaalka ah.

Wuxuu sheegay in madaxtooyada ay amnigeeda hayeen ciidamada daraawiishta Galmudug, hase ahaatee laga qabsaday, wuxuuna sheegay in halkaasi ay yaalaan Dukumiintiyo aad u muhiim ah oo ay ku shaqeynayeen.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News