U bood dhigaalka

Galmudug Oo Ka Hadashay Dagaal Beeled Ka Dhacay Galgaduud

Sheeko:Amniga

Axmed Shire Falagle wasiirka warfaafinta dowlad gobaleedka galmudug ayaa nasiib daro ku tilmaamay dagaalada u dhaxeeyo beelaha walaalaha ee dib uga soo cusboonaaday deegaanada gobalka galgaduud.

Shalay gelinkii dambe ayaa dagaal waxa uu laba beelood oo walaala ah ku dhexmaray deegaanka Kaxandhaale  ee gobalka galgaduud halkaas oo uu ka dhashay khasaaro kala duwan.

Wasiirka oo la hadlay laanta afka soomaaliga ah ee BBC ayaa sheegay in maamulka galmudug uu wax ka qaban doono dagaalada soo noqnoqde ee deeganada maamulkaas ka taagan.

“Nasiib darro weyn weeye dib usoo laabashada dagaal beeleedka, 6 ruux ayaa geeriyootay tiro kale waa dhaawac, Galmudug way u istaagtay oo gacan bir ah ayay ku qabaneysaa dadka ka dambeeya arrintaan” ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamulka Galmudug.

Illa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka shalay galinkii dambe ka dhacay Kaxandhaale.

Galmudug ayaa tobankii sano ee la soo dhaafay wajaheysay dagaallo u dhaxeeya beelaha wada dega deeganada maamulkaas oo mudda badan soo noqnoqday.

Goobjoog News