U bood dhigaalka

Galmudug Oo Ka Warbixisey Qaabkii Ciidanka Dowladda Ay Al-shabaab Uga Qabsadeen Galcad

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug State ayaa ka warbixiyey qaabkii ay ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa Galmudug iyo AMISOM oo isku dhinac ah ay Al-shabaab uga qabsadeen deegaanka Galcad ee ku yaalla bariga gobolka Galgaduud.

Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Maxamed Xaashi Cabdi oo saxaafadda kula hadlay magaalada Cadaado ayaa sheegay in deegaankaasi uu leeyahay muhiimad gaar ah, isaga oo u hambalyeeyay dhammaan ciidankii la wareegay deegankaasi.

Waxa uu shacabka ku dhaqan deegaanka Galcad ugu baaqay inay is dejiyaan islamarkaana ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka.

“Waxaan u hambalyeenayaa ciidamada xoogga dalka ee 21-aad, kuwa Galmudug iyo Ciidanka AMISOM oo ku guuleystay in cadowga ay ka qabtaan deegaanka Galcad ee Galgaduud, shacabka ku dhaqan deegaankaasi waxaan leeyahay la shaqeeya ciidanka, idinkana is dejiya” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa sheegay in dhawaan ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegi doonaan deegaannada weli Xarakada Al-shabaab ay ka joogaan deegaannada Galmudug.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa shalay la wareegay deegaanka Galcad oo Al-shabaab maamuli jirtay, waxaana deegaankaasi uu ka mid yahay deegaannada ku yaalla bariga gobolka Galgaduud.

Goobjoog News