U bood dhigaalka

Galmudug Oo Ku Amartay Gaadiidleyda Inay Qaataan Taargo Cusub Oo Ay Sameysteen (SAWIRRO)

Sheeko:Dalka

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta magaalada Cadaado kaga dhawaaqay in muddo ku siman toban maalin kadib degaannada maamulkaasi aysan ka shaqeyn Karin baabuur aan wadan taariko cusub oo uu maamulka soo saaray si loo dardargeliyo ganacsiga iyo ammaanka.

Kulan lagu daah furayay qorshahani oo ay soo diyaarisay wasaaradda gaadiidka dowlad goboleedka Galmudug waxaa ka qeyb galay Madaxweyne ku xigeenka maamulka Maxamed Xaashi Cabdi iyo masuuliyiin kale.

Taarikadani cusub ee Galmudug ayaa la faray inay qaataan dhammaan gaadiidleyda ka shaqeysa degaannada Galmudug taas badalkeedana waxaa Galmudug ay sheegtay in la xanibay gaadiidka wata taarko aan ahayn midda Galmudug, waxaana amarkani cusub iyo tallaabadani ay dowladda Galmudug qaaday imaanaysa iyadoo dhowaan maamulka Puntland ay diideen isa socodka gaadiidka shixnadaha ganacsi wada.

Wasiiru dowlaha wasaaradda gaadiidka Galmudug Cabdulle Xasan Nuur ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay dhammeystireen sharciyadii gaadiidka.

“Laga billaabo maanta wasaaraddu waxay soo dhammeystirtay howlihii shaqo sida dugsigii tababarka ee gaadiidka lagu baranayay, qofkii bartana waxaa wasaaradda ay siinaysaa ruqsaddii uu ku shaqeysan lahaa” ayuu yiri wasiiru dowlaha.

Dhanka kale, wasiirka ammaanka Galmudug Cismaan Ciise Taardhuleed oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in wasaaradda gaadiidka ay kala shaqeyn doonaan islamarkaana in taargada ay ka qeyb qaadanayso sugidda amniga.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa ugu dambeyn sheegay in gaadiidleydu ay heystaan toban maalin oo ay taargada cusub ku qaadan karaan, ciddii ka dhaga adeegtana tallaabo ciidamada ay ka qaadi doonaan.

Tallaabada dowlad goboleedka Galmudug ayaa imaanaysa iyadoo dhowaan maamulka Puntland uu mamnuucay gaadiidkii ka imaan jiray dhanka Koonfureed iyo gobollada dhexeba waana markii ugu horreysay oo taargo cusub uu soo bandhigo maamulka Galmudug tan iyo markii la aas-aasay.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA:

 dsc09611-1

dsc09645-1dsc09613-1 dsc09614-1 dsc09616-1 dsc09617-1 dsc09618-1 dsc09621-1 dsc09624-1 dsc09629-1 dsc09630-1 dsc09642-1

  dsc09606-1 dsc09607-1

dsc09608-1

dsc09649-1

Goobjoog News