U bood dhigaalka

Galmudug Oo Ku Dhawaaqday Howlgallo Ka Dhan Ah Alshabaab

Sheeko:Amniga

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegay in ay diyaariyeen Ciidamo gaar ah kuwaasi oo dagaal ku qaadi doona deegaannada ay Alshabaab ka maamulaan gobolka.

Wasiir ku xigeenka Amniga ee Dowlad goboleedka Galmudug Mahad Xasan waxaa uu sheegay in la diyaariyay qorshihii lagu wajahi lahaa howlgallada ka dhanka ah Alshabaab.

Mahad Xasan waxaa uu tilmaamay in Alshabaab ay haystaan deegaannada ay ka mid yihiin Ceelbuur, Ceeldheer iyo Xarardheere ayna doonayaan in dhowaan ay ku qaadaan weeraro si ay ula wareegaan deegaannadan.

“Maamulka Galmudug waxaa uu baryahaan ku jiray diyaar garow bariga deegaannada xiga looga saarayo Alshabaab waxaan diyaarinay Ciidamadii daraawiishta waxaan dooneynaa in aan xoreyno deegaannada ka maqan gacanta Maamulka”.

Alshabaab ayaa Maamusha deegaannado badan oo ka mid ah Galmudug waxaa uuna maamulka hadda isku diyaarinayaa howlgallo lagu soo celinayo deegaannada ka maqan.

Goobjoog News