U bood dhigaalka

Galmudug Oo Ku Eedeysay Madaxweynaha Federaalka ah iyo Ra’isul wasaarihiisa In Ay Ku Hayaan Maamulka Faragelin Qaawan

Sheeko:Dalka

War Saxaafadeed ay soo saartay Galmudug uuna ku saxiixnaa wasiirka warfaafinta ee maamulkaasi Maxamuud Aadan Cusmaan ayaa lagu dhaliilay hoggaanka dawalda Federaalka, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha oo la sheegayo in ay ku hayaan Galmudug  faragelin qaawan.

Qoraalkan oo aad u dheeraa waxaa lagu sheegay:

1. In  maamulka Galmudug uu ku faraxsan yahay sida dadka gobolka diyaar ugu yihiin difaaca maamulka iyada oo loogu baaqay dadwaynaha reer Galmudug in aysan dheg-jalaq u siinin kuwa ka shaqeynaaya tafaraaruqa iyo kala qaybsanaaanta.

2. In maamulka Galmudug ka shaqeyn-doono danta iyo maslaxada Galmudug iyaga oo shacabka ka codsaday in ka shaqeeyaan midnimada iyo Wadajir ka Galmudug.

Faragelinta dowladda Federaalka Ah: War Saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha Galmudug uu ka hadlay arrinta dowladda federaalka ah isaga oo yiri “Waxaa wax aad looga xumaado ah in Hoggaanka Dawalda Federaalka, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Raysalwasaaraha ay faragelin qaawan ku sameynayaan Galmudug, iyagoo adeegsanaya xasaasiyad iyo caadhifad qabiil si loogu dhaawaco midnimada iyo Wadajirka Galmudug. Waxay isku deyayaan iney carqaladeeyaan wadahadalka Galmudug iyo walaaleheen Ahlu-Sunna Waljameeca. Waa wax lala yaabo sida hogaanka dalka loogu aaminayo rag kala qaybin qabiil Galmudug ka dhex wada.

Mr. Xaaf ayaa ugu baaqay xildhibaanada Galmudug ku metala labada gole in ay ka soo dhalaalaan kaalinta uga aadan Galmudug isaga oo intaa raaciyay in taariikhdu qori, dadwaynaha reer Galmudugna kala garan doonaan cidii wanaag ku metashay Galmudug iyo cidii in ay gumayso go’aansatay”.

Federaalka iyo dowladaha Xubnaha Ka Ah: Dhanka Wada-shaqeynta Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha xubnaha ka ah waxaa ay Galmudug ka tiri “ Halkii ay dawlad Goboleedyada xubnaha ka ah dawaldda Federaalka ka sugayeen wadashaqayn iyo iskaashi ayey dawalda Federaalka xasarad abuur iyo colaad ku bedeshay. Waxay baabi’iyeen Madashii qaran, haatana waxay doonayaan in maamulada dumiyaan. Hadaba Waxaan ugu baaqayaa in ay meel uga soo wada jeestaan faragelinta qaawan ee ay Dawlada Federaalka ku hayso Dawlad Goboleedyada. Waxaan kaloo soo jeedinayaa in ay shir degdeg ah oo arrinkaas looga arrinsanayo isaga yimaadaan”.

Beesha Caalamka:  “ Beesha Caalamka way arkaan in Dawlada Federaalka ay ku hawlan tahay duminta iyo kala dirka Dawlad Goboleedka. Waxaan leenahay Dawlada Federaalka way gabtay ilaalinta midnimada iyo wadajirka dalka. Hadaba waxaan ugu baaqaynaa beesha caalamka in ay arrinkan sida ugu dhaqsaha badan ugu soo joogsadaan”.

Goobjoog News