U bood dhigaalka

Galmudug oo La Wareegtay  Maleeshiyaad iyo Gaadiid Dagaal

Sheeko:Amniga

Wasaaradda amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegtay inay la wareegeen maleeshiyaad dhowaan weerar ka geystay Koonfurta magaalada Gaalkacyo halkaas oo ay fariisin ku lahaayeen ciidanka DANAB ee ka tirsan xoogga dalka iyada oo wasaaraddu intaas ku dartay in sidoo kale ay si toos ah ula wareegeen gaadiidkii dagaal ee ay maleeshiyaadkaasi wateen.

Wasiirka wasaaradda amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayey u suura gashay in maleeshiyaad ku dhow lixdameeyo  iyo gaadiidkoodii ay xalay saqdii dhexe soo galeen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobalka Galgaduud, waxaana maleeshiyaadkaasi laga soo kaxeeyay tuulada Saaxo Qurux ee ka tirsan gobalka Mudug.

“Ilaahay fadligii dadaal dheer oo ay dhinacyo badan qeyb ka ahaayeen ayaa waxaa wasiirka wasaaradda Amniga Gudaha u suurtagashay inuu ku guuleysto la wareegista si nabadgalyo ah dhammaan gaadiid dagaal oo ay wateen maleeshiyo weerar ka geysatay fariisin ciidanka Danab ee XDS ay ku leeyihiin duleedka Koofurta Gaalkacyo. Ciidamo lixdameeyo ku dhow iyo gaadiid waaweyn oo kuwa dagaalka ah tiradooduna gaarayso 5 gaari, oo wasiirku uu horkacayey ayaa xalay saqdii caasimadda Dh-mareeb soo gaaray kuwaasoo laga soo waday tuulada Saaxo Qurux oo degmada Goldogob ka tirsan” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaaradda amniga Galmudug.

Dhanka kale maleeshiyaadkan ayaa lagu biirin doonaa ciidanka daraawiishta Galmudug oo kal sii horeysay uu ku dhawaaqay wasiir Fiqi in ciidan diifaca Galmudug la yagleeli doono, waxaana sidoo kale qoraalka ka soo baxay wasaaradda amniga lagu xusay in baaritaan lagu sameyn doono ciddii ka dambeysay falkii lagu weeraray fariisin ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ay ku lahaayeen Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

“Ciidamada iyo gaadiidka ayaa ka mid noqon doona ciidamada daraawiishta Galmudug, ayadoo lagala xisaabtami doono, baaritaanna lagu samayn doono ciddii ka mas’uulka ahayd weerarkii iyo falkii lagu weeraray saldhigga ciidanka Danab ee Gaalkacyo ka dhacay Sabti 23 May 2020” ayaa la sii raaciyay qoraalka ka soo baxay wasaaradda.

23-kii May maleeshiyaad hubeysan ayaa weerar ku qaaday fariisin ay koonfurta Gaalkacyo ku lahaayeen ciidanka DANAB waxaana weerarkaas ka dhashay khasaare isgu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Deegaannada Galmudug ayaa waxaa ku soo noqnoqda dagaal beeleedyada iyo weerarada maleeshiyaadka hubeysan ay mararka qaar ka geystaan baraha ay joogaan ciidanka dowladda federaalka ah.

Goobjoog News