U bood dhigaalka

Galmudug oo Laga Daah-furay Xarunta Guddiga Ka Hortagga Covid19

Sheeko:Caafimaadka

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor) ayaa daah-furay xarun ay ku shaqeyn doonaan guddiga Covid19 ee dowlad goboleedka Galmdug iyo xarunta Sheybaarka Covid19.

Madaxweyne Qoor-qoor ayaa sheegay in maamulka Galmudug uu ka shaqeyn doono sidii looga hortegi lahaa cudurka Coronavirus oo kiisas gaaraya 116 (boqol lix iyo toban) laga helay dalka, halka dhimashadu ay tahay 6 ruux sida ay xaqiijisay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

Xaruntaan ayaa waxaa ku shaqeyn doona guddiga dhawaan uu magacaabay madaxweynaha Galmudug ee ka hortaga Coronavirus,waxaana halkaas lagu diyaariyay dhakhaatiir loogu talagalay in ay la tacaalaan cudurka Covid19

Goobjoog News