U bood dhigaalka

Galmudug Oo Maamul u Sameynaysa Degmada Ceelbuur

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in dhawaan maamul rasmi ah loo sameyn doono degmada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud, islamarkaana lageyn doona ciidamo ammaanka xaqiijiya.

Xildhibaan Cabdullaahi Cabdi Cabdulle oo ka mid ah xildhibaanada Galmudug oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in qorshahaan uu yahay mid meel gabagabo ah maraya.

Waxa uu tilmaamay in degmada Ceelbuur ay ka mid tahay deegaanada Galmudug, sidaa darteedna ay muhiim tahay in la helo maamulkii degmada iyo ciidamadii ka shaqeyn lahaa ammaanka guud ee degmadaasi.

“Waxaa socota qorshe ballaaran oo maamul loogu sameynayo degmada Ceelbuur, waxaa sidoo kale halkaasi la geyn doonaan ciidamo Galmudug ah oo shacabka amnigiisa xaqiijiya, waxaana la dhameystiri doonaa guud ahaan adeegyada bulshada ee degmadaasi” ayuu yiri xildhibaanka.

Maalin kahor ayaa wasiirka difaaca xukuumadda Soomaaliya Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini iyo sidoo kale madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, waxa ay socdaal ku tageen degmada Ceelbuur ee Galgaduud, halkaasi oo ay kula soo kulmeen qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Goobjoog News