U bood dhigaalka

Galmudug Oo Guddi u Saartay Duqeyntii Jeexdin

Sheeko:Dalka

Madaxwenaha Dowlad goboleedka Galmudug mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maanta waxa uu soosaray labo wareegto.

Labada wareegto ayuu Madaxweynaha midna guddi soo baara ugu magacaabay duqeyntii Maraykanka ee Duleedka magaalada  Gaalkacyo ka dhacday halka tan labaadna shaqada looga joojiyay hay’adaha maamulka inta ay socdaan doorashada xildhibaannada cusub ee federaalka labada aqal.

  1. Waxa uu gudi  baaritaan umagacaabay dhacdadii dhawaan ka dhacaday bariga magaalada Galkacyo , oo ciidamada mareeykanka ay ku dileen askar katirsan Dowlada Galmudug.

 

  1. dhamaan hay’adaha Dowlada Sida labada Gole xukuumada iyo Baarlamaanka ay kawada qeybqataan arimaha doorashooyinka , in mudada ay socdaan doorshooyinka lahakiyo  howlaha kale ee dowladda.

Hoos ka akhriso labada wareegto ee ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Galmudug:

 

bbb-001

 

002