U bood dhigaalka

Galmudug Oo Magdhow Ka Dalbatey Dowladda Mareykanka

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in dowladda Mareykanka laga doonayo in  magdhow ay ka bixiso ciidankii Galmudug ee ay ku dileen deegaanka Jeexdin ee gobolka Mudug, 28-September-2016.

Wasiirka dib u heshiisiinta iyo Dastuurka maamulka Galmudug Cismaan Maxamed Cali oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in qirashada Mareykanka ee ah iney dileen ciidan ka tirsan Galmudug ay tahay tillaabo horey loo qaadey, balse hadda loo baahan yahay in Mareykanka bixiyo magdhow waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waa tillaab horey loo qaadey in Mareykanka ay qirtaan iney dileen ciidan Galmudug ah, waxaa hadda loo baahan yahay in dowladda Mareykanka bixiso magdhowga dadkii ay dileen” ayuu yiri Wasiirka.

Dhinaca kale wasiirka ayaa wax laga xumaado ku tilmaamey in maamulka Puntland uu sheego in ciidankii ku dhintey deegaanka Jeexdin ay ahaayeen kuwo Al-shabaab ah.

28-kii September 2016, ciidamo Mareykan ah oo ay la socdaan kuwo Puntland ayaa cirka iyo dhulka ka weerarey ciidamo ka tirsan Galmudug oo ku sugnaa deegaanka Jeexdin ee gobolka Mudug, halkaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 10 askari.

Jimcihii aynu kasoo gudubnay afhayeen u hadlay wasaaradda difaaca Mareykanka ayaa qirey in ciidankii ay ku dileen Jeexdin ay ahaayeen kuwo hoostaga maamul goboleedka Galmudug.

Goobjoog News