U bood dhigaalka

Galmudug Oo Markale Xiratay Wariye Tooxoow

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo magaalada Guriceel ee gobalka galgaduud ayaa sheegaya in xalay xilli dambe gudaha magaalada Lagu xiray Wariye Maxamed Cabdiwali Tooxoow, oo ka mid ah wariyayaasha Galmudug ka howl gala.

Tooxoow ayaa la shegay in xalay loogu yeeray xarunta talisla Booliiska magaalada Guriceel, si uu wareysi uga qaado taliska booliska balse marki uu goobta gaaray ayaa lagu war geliyay in xarig uu yahay wariyaha.

Taliyaha booliiska degmada guriceel ayaa lagu soo waramaya in uu bixiyay amarka lagu xiray wariyaha.

Tooxoow ayaa maalmihi la soo dhafay si aad ah u tabinayay dagaalka ka dhacay magaalada guriceel.

Goobjoog News