U bood dhigaalka

Galmudug Oo Maxkamadeynaysa Dagaalyahanno Ka Tirsan Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in dhawaan ay maxkamadeyn doonaan dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab kuwaa oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay deegaanno ka mid ah gobolka Mudug.

Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Maxamed Xaashi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulkooda uu diyaar u yahay caddaaladda la waafajiyo raggii dhawaan ay kusoo qabteen dagaalladii Mudug kuwooda qaangaarka ah.

“Nimankaasi laga soo qabtay Al-shabaab waxaa ku socda baaritaan, markii uu soo dhamaadana waxaa la horgeyn doonaa cadaaladda” ayuu yiri Xaashi.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay in haddii dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay isku soo dhiibaan maamulkooda in loo fidin doono cafis waa sida uu hadalka u dhigaye.

Maamulka Galmudug ayaa gacanta ku haya dhallinyaro ka tirsan Al-shabaab kuwaa oo lagu soo qabtay dagaallo ka dhacay gobolka Mudug.

Goobjoog News