U bood dhigaalka

Galmudug Oo Puntland Ka Dalbadatay Soo Qabashada Dabley Hubeysan Oo Dad Ku Diley Mudug

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa ka dalbaday Puntlan in ay gacanta usoo geliyaan dabley hubeysan oo deegaanka Saaxqurun ee gobolka Mudug ku dilay dad shacab ah.

Taliska Booliiska ee maamulkaasi ayaa sheegay iney wadaan dabagalka raggan, islamarkaana dableyda wax dishey ay galeen dhanka Puntland.

Taliye ku xigeenka Booliiska Galmudug ee gobolka Mudug, Cabdi Jaamac Xabeeb ayaa sheegay in Puntland ay ka sugayaan iney soo qabtaan dableydan, waxaana kamid ah dadka la raadinayo gabar magaceeda lagu soo koobay Leylo Galbeeti oo kamid ahayd dhallinyarada Gaalkacyo.

“Reer Puntland waxaan uga fadhinnaa iney soo qabtaan dadkii ka dambeeyay dilka dad shacab ah, waxaan ka sugeynaa iney wax ka qabtaan arrintan  haddii ay yihiin maamul, saraakii iyo waxgarad” ayuu yiri taliyaha.

Dhanka kale Taliye Xabeeb ayaa sheegay in ka Galmudug ahaan ay mar walbo diyaar u yihiin iney fuliyaan wax walbo oo ku aadan heshiisyadii horey u dhexmaray maamullada Puntland iyo Galmudug.

Goobjoog News