U bood dhigaalka

Galmudug Oo Puntland Ku Eedeysay Inay Soo Qaaday Dagaalka Galbeedka Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Duqa magaalada Gaalkacyo ee Galmudug Xirsi Barre Yuusuf ayaa ka hadlay dagaal saaka dib uga qarxay dhanka galbeedka ee magaalada Gaalkacyo.

Xirsi Barre ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland inay dagaalka soo qaadeen islamarkaana soo weerareen bar ciidan oo ay joogeen ciidanka Galmudug.

“Puntland ayaa soo weerartay dhulkii la isku heystay eek u yaalla duleedka galbeed ee Gaalkacyo, sidaa darteed waxaan leenahay dagaal ma wanaagsana waxaan ku baaqeynaa nabad” ayuu yiri duqa Gaalkacyo.

Waxaa uu sheegay in Puntland ay soo weerartay dhul uu ka socday dhisme oo Galmudug ay ku sugneyd islamarkaana ciidankii Galmudug ay iska caabiyeen.

Dhanka kale, duqa magaalada Gaalkacyo ee Galmudug Xirsi Barre Yuusuf ayaa sheegay in dhankooda uu ka dhintay hal askari islamarkaana dhanka kale ee Puntland uu gaaray khasaare.

Dadka shacabka ah ee deggan magaalada Gaalkacyo labadeeda qeyb ayuu ugu baaqay inay isdejiyaan oo aysan ka qeyb qaadan colaadda.

Wuxuu sheegay in la xalin doono oo dhulka la isku heystay ee ay soo weerartay Puntland welina aan laga heshiinin oo dhowr jeer oo hore Gaalkacyo ay uga dhaceen wada hadallo ku saabsan oo ay yeesheen labada beelood oo ay wax ka dhaxeeyaan.

Hadalkaani ayaa ku soo aadaya iyadoo magaalada Gaalkacyo saaka lagu waabariistay dagaal ka qarxay dhanka galbeed ee magaaladaasi.

Goobjoog News