U bood dhigaalka

Galmudug Oo Qaadacday Shir Uu ugu Yeeray Madaxweyne Farmaajo

Sheeko:Dalka

Dowlad goboleedka Galmudug ayaa war saxaafadeed ay maanta soo saareen ku qaadacay shir berri Muqdisho ka dhici lahaa, kaas uu maalin ka hor ku baaqay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, iyaga oo ku bilaabaya “Waxaa ay sheegeen in aaney jirin madax Galmudug oo is khilaafsan wixii ka dambeeyey 18-kii bishan”.

Galmudug, waxaa ay Villa Somalia ku eedeeyeen fitno iyaga oo yiri “Mushkiladaha ka jiray Galmudug ee siyaasadeed ama amni ma aha kuwo iska yimid ee waa kuwo la abuuray, oo la soo maleegey madaxtooyada Soomaaliya”, iyaga oo dowladda federaalka ah dusha ka saaray mas’uuliyadda wax kasta oo ka dhashay dagaalkaas.

Qoraalka waxaa kale oo ku jirtay in Galmudug aaney u baahneen xaalladeeda inu Muqdisho la isugu yimaado balse ay u baahantahay in faragelinta laga daayo, lagana saaro dadka dheeriga ku ah, qalalaasaha iyo abaabulkana ka wada dagaannada qaar ee Galmudug.

Qoraalka Galmudug waxaa lagu sheegay in dowladda federaalka ah ay iska indho tireyso go’aanka shirkii golaha iskaashiga dowlad goboleedyada 08/09/2018 iyo wafdiga aqalka sare ee ujeedkoodu yahay sidii xog dhab ah uga heli lahaayeen khilaafka dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, ayna habooneyd inay dowladda sugto natiijada ka soo baxda wafdiga aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa ay sheegeen “annaga oo tixgelineyna go’aanka ahaa in dowladda goboleedyadu hakiyeen wada shaqeynta kala dhaxeysa dowladda federaalka ah ayeyna suuragal noo aheyn in aan hadda nimaado Muqdisho.

Ugu dambeyntii, waxaa ay golaha dowlad goboleedyada iyo beesha caalamka ugu baaqeen inay si dhow ula socdaan, kana hadlaan faragelinta ay dowladda Soomaaliya ku heyso dowlad goboleedyada gaar ahaan Galmudug, iyaga oo dowladda federaalka ah ugu baaqay inay ka waantoobaan qaabka ay u adeegsadaan dowlad goboleedyada oo ah qeybi oo xukun.

Madaxweyne Farmaajo ayaa maalin ka hor waxaa uu maamulka Galmudug ugu yeeray shir ka dhaco Madaxtooyada Qaranka laga bilaabo 24ka Sebteembar, 2018, waxaana looga wada xaajoon lahaa sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafaadka siyaasadeed iyo colaadaha soo noqnoqday ee Galmudug.

Qoraal lagu daabacay Twitter-ka waxaa lagu sheegay “Waxaan ku rajo weynahay in dhammaan dhinacayda ay taabanayso arrintan ay muujiyaan tanaasul, biseyl siyaasadeed iyo in danta guud laga hormariyo midda gaarka ah si hore loogu sii wado dadaalladii ay horumuudka ka ahayd Dowladda Federaalka ee lagu dhammeystirayay heshiisyadii ay hore u kala saxiixdeen madaxda Galmuudg.”

Goobjoog News