U bood dhigaalka

Galmudug oo rag Puntland ah ku eedeysay dilka Ganacsade

Sheeko:Dalka

Aweys Cali Saciid gudoomiya Mudug ee maamulka Galmudug ayaa ku dhaleeceeyay Puntland in rag ka tirsan maamulkaas ay dil ka geysteen dhanka Galmudug.

Gudoomiya Mudug oo u waramayey Goobjoog Fm ayaa sheegay in uu socdo wada hadal labada dhinac oo ah oo lagu soo qabanyo dambiilhii dilka geystay.

Goobjoog Fm ayaa weydiisay sida uu ku xaqiijin karo in dilka ay ka dambeeyaan dad kasoo talaabay dhanka maamulka Puntland, waxaana uu sheegay in hadda uu socdo baaritraan arinkaasi ku saabsan, xilliyada soo aadanna jawaab cad la keeni doono.

Aweys Cali ayaa dadka deegaanka nabad ugu baaqay, isagoo ku celceliyay in laga war sugo baaritaanka socda iyo natiijada kasoo baxda.

Dhinaca kale maamulk Puntland kama soo bixin wax warar ah oo arinta dilka la ku saabsan, sidoo kalena waa ay inoo suura gali weysay xiriir aynu la sameenay maamulka Mudug ee Puntland.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysi aynu la yeelanay Gudoomiye Aweys.