U bood dhigaalka

Galmudug Oo Sameysay Xog Aruurin Abaaraha Ah

Sheeko:Dalka

Wasiirka gargaarka ee Galmudug ahna guddoomiyaha guddiga abaaraha oo dhowaan uu magacaabay Madaxweynaha maamulkaasi Cabdikariin Guuleed ayaa ka hadlay xaaladda abaaraha ee gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Wasiir Shire Xirsi Maxamuud ayaa sheegay in guddigooda ay labo qeyb u kala qeybiyeen oo soo indha indheeyay labo jiho oo Galmudug ah.

Wuxuu sheegay in guddiga xubno kamid ah ay u direen dhanka degmooyinka waqooyi ee Galgaduud sida Caabudwaaq iyo Balanbal halka degaannada barina ay dad kale u direen illaa Mudug sida Baxdo, Bajeelo, Hobyo, Wisil, Bacaadweyn iyo degaanno kale.

“Degaanno badan baa soo marnay sida Baxdo, Hobyo iyo Wisil waxaana ku soo aragnay biyo la’aan dadku waxay inoo sheegeen in xoolo badan ay harraad u dhinteen, degaannada kale ee Galgaduud sida Caabudwaaq iyo Balanbal waa ka taagan tahay dhibaatada abaaraha” ayuu yiri wasiirka.

Dhanka kale, wasiirka gargaarka dowlad goboleedka Galmudug Shire Xirsi Maxamuud ayaa sheegay in haddii todobaadyada soo socda aynaan dadkaasi helin wax gargaar ah ay xaaladdu ka sii adkaan doonto sida ay maanta tahay.

Degaannada Mudug iyo Galgaduud ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa ka jira xaalado abaaro oo aad u daran kuwaasoo saameyn adag ku yeeshay nolosha dadka iyo duunyada gobolladaasi ku nool.

Goobjoog News