U bood dhigaalka

Galmudug Oo Shaacisay Jadwalka Doorashada 3 Kursi

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga hirgelinta doorashooyinka SEIT ee dowlad gobaleedka Galmudug ayaa shaaciyay Jadwalka iyo habraaca doorashada saddex kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka.

Kuraasta la shaaciyay ayaa kala ah HOP#078, HOP#012 iyo HOP#137, kuwaas oo la sheegay in la dooranayo 25-ka bishaan febraayo.

Guddiga ayaa sidoo kale shaaciyay liiska odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka soo dooraneyso xildhibaanada saddexda kursi.

Kuraastaan waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaanada kala ah :-

HOP#048: Cabdullaahi Gaafow Maxamuud

HOP#012: Yuusuf Xayle Jimcaale

HOP#137: Saadiq Cabdikarim Xaaji Ibraahim