U bood dhigaalka

Galmudug Oo Sheegtay In Ballanqaad Ku Aadan Gurmadka Abaaraha Ay Ka Heleen Madaxweyne Farmaajo

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in balanqaad ku aadan gurmadka abaaraha ay ka heleen madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi, ahna sii hayaha xilka madaxweynaha Maxamed Xaashi Carabey, oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo ay islagarteen waxyaabo badan kadib kulan ay la yeesheen.

Waxa uu tilmaamay madaxweyne ku xigeenka in madaxweyne Farmaajo ay kala hadleen tayeenta ciidamada, xoojinta nabadgalyada iyo abaaraha.

“Waan isla afgarannay dhammaan wixii aan ka wada hadalnay madaxweynaha, waxa uu inoo balanqaaday in si wanaagsan wax looga qabto abaarta ka jirta Galmudug, lana xoojiyo taageerada maamulka Galmudug” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Deegaannada Galmudug ayaa waxaa ka jirta abaar baahsan oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada, waxaana dadka ku sugan halkaasi aaney weli helin gurmad ku filan.

Goobjoog News