U bood dhigaalka

Galmudug Oo Sheegtay In Wadahadal Dadban La Leeyihiin Ahlu-sunna

Sheeko:Dalka

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in wadahadal aan toos ahayn uu u soconayo iyaga iyo Ahlu-sunna Waljameeca, kaas oo gogol xaar u ah wadahadal rasmi ah oo Labada dhinac ay yeeshaan.

Wasiirka wasaaradda dib u heshiisiinta iyo Dastuurka ee maamulka Galmudug, Cismaan Maxamed Cali oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa sheegay in rajo wanaagsan ay ka qabaan iney miro dhalaan wadahadalladan.

“Ahlu-sunna iyo Galmudug waxaa u socda wadahadal dadban, meel wanaagsan ayuuna marayaa, ma bilaaban kii rasmiga ahaa, waxaana dhowaan la filayaa iney furmaan wadahadallada rasmiga ah, dedaal xooggan wuuu socdaa, madaxweyne Xaaf wuxuu xiriir la sameeyaa mar walbo Ahlu-sunna, waxaana la magacaabi doonaa guddi wadahadal”

“Aad ayaan u rajeyneynaa iney guuleystaan wadahadalladan maadaama madaxweyne Xaaf yahay shaqsi nabadeed, uuna dhabarka u xirtay sidii loo keeni lahaa walaalaha Ahlu-sunna” ayuu yiri wasiirka.

Dhanka kale, sarkaal ka tirsan Ahlu-sunna, dalbadayna inaan magaciisa la shaacin ayaa u sheegay Goobjoog News, inaanu jirin wax wadahadal ah oo ay la leeyihiin maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ayaa horey u sheegay in muhiimad gaar ah uu siin doono wadahadallada ay la galayaan Ahlu-sunna Waljameeca.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada