U bood dhigaalka

Golaha Wasiirrada Galmudug Oo Xaaf Ku Taageeray Go’aankii Xiisadda Khaliijka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug  Axmed Ducaale Xaaf ayaa kulan gaar ah uu maanta Cadaado kula qaatay golihiisa wasiirrada  u sharaxay go’aankii xiisadda Khaliijka iyo arrimaha ka dhashay.

Wasiir kulan fadhiyay oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dhammaadkii kulanka loo codeeyay go’aanka Madaxweyne Xaaf iyada oo inta badan ay taageereen golaha Wasiirrada.

Galmudug waxaa hareeyay qalalaase siyaasadeed oo la xiriira arrinta go’aanka xiisaadda Khaliijka, waxaa jira codad ay ka mid yihiin madaxweyne ku-xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamaanka oo go’aanka ka soo horjeeda.

Maamulka Galmudug oo la dhisay 2015-kii, waxaa uu ka mid yahay maamullada taageeray Sacuudiga iyo Imaaraadka ee go’doominta Qatar

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada