U bood dhigaalka

Galmudug Oo Xukun Ku Riddey Kalluumeysato u Dhashay Yemen

Sheeko:Dalka

Maxkamadda gobolka Mudug ee dhanka Galmudug ayaa xukun xabsi iyo ganaax lacageed isugu jira waxay ku riddey Saddex qof oo u dhashay dalka Yemen, kuwaasi oo ay maxkamaddu ku eedeysay in ay si sharci darro ah uga kallumeysanayeen xeebaha dalka, gaar ahaan dhanka Galmudug.

Kaaliyaha maxakamadda gobolka Mudug oo xukunkaan akhrinayey ayaa sheegay in raggan oo lagu kala magacaabo Maxamed Saalim Cali, Cabdalla Saalim Cabdalla iyo C/raxmaan Cali Saciid lagu xukumay min Labo sano oo xabsi ah, sidoo kalena laga doonayo ganaax lacageed oo ah min Labo Kun oo Doolarka Maraykanka ah.

Sidoo kale maxkamadda ayaa doonta ay ka shaqeynayeen raggan oo lagu magacaabo Al-ikhlaas 1 uuna leeyahay shaqi magaciisa lagu sheegay Cali Mataan lagu ganaaxay 50 kun oo doolarka maraykanka ah.

Galmudug ayaa marar badan sidan oo kale u qabatay rag ajaaniib ah islamarkaana la sheegay iney si sharci darro ah uga kalluumeysanayeen xeebaha dalka.

Goobjoog News