U bood dhigaalka

Galmudug: Qoorqoor oo Noqday Madaxweynihii 3-aad ee Galmudug Todobaad Gudihiisa

Sheeko:Dalka

Doorasho goordhow ka dhacday magaalada Dhuusamareeb, xarunta Galmudug islamarkaan ay garwadeen ka ahayd dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa waxaa madaxweyne loogu doortay Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Baarlamaanka ay aqoonsantahay dowladda ee soo xaadiray kulankan ayaa ahaa 77 mudane , waxa ayna cododkooda kala siinayeen murashaxiintii kala ahaa Axmed Cabdi kaariye( Qoorqoor), Dr. Abdirahman Sabriye,  Axmed Shire Falagle iyo Cabdullaahi Axmed Samatar.

Murashaxa ku guuleystay xilka madaxweynaha ee Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa helay codad gaaray 66 cod halka Cabdullaahi Axmed Samatar uu helay 9 cod,  waxaana 1 cod helay Abdirahman Aadan Sabriye.

Gudoomiyaha baarlamnaka Galmudug Maxamed Nuur Gacl ayaana ku dhawaaqay natiijada isaga oo shaaciyay in Qoorqoor uu yahay madaxweynaha galmudug ee ay dowladdu aqoonsantahay.

Doorashada waxaa qaadhacay  saddex koox:

(1). Murashaxiinta kala ah: Cabdiraxmaan Odawaa, Cabdullaahi Wehliye, Kamaal Gutaale iyo Cabdi Dheer,

(2). Madaxweynaha Galmudug: Axmed Geelle Xaaf ayaa ka mid ah dadka diidan

(3): Maamulka Ahlu sunna ee ka taliya Dhuusamareeb iyo qeybo kale.

Goobjoog News