U bood dhigaalka

Galmudug: Sharuudaha Laga Doonayo Musharrixiinta Aqalka Sare Oo La Soo Bandhigay

Sheeko:Dalka

Shir jaraa’id oo ay saxaafadda ugu qabteen magaalada Cadaado ayaa guddiga doorashooyinka Galmudug waxay kaga hadleen howsha sida ay u socoto waa arrimaha doorashada labada aqal ee baarlamaanka federaalka.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee Galmudug ayaa soo saaray shuruudaha laga doonayo musharrixiinta u taagan aqalka sare ee dowladda cusub.

Waxay kaloo sheegeen in musharrixiinta doonaya aqalka sare inay u tartamaan inay si degdeg ah ku soo gaaraan magaalada Cadaado.

Afhayeenka guddigaasi Yuusuf Diiriye Maxamuud ayaa sheegay in bishan shanteeda madaxweynaha Galmudug uu soo gudbiyo magacyada musharrixiinta u tartamaya aqalka sare.

Wuxuu tilmaamay in qofka musharraxa ah laga doonayo in marka hore uu iska casilo xilka uu hayo sida xildhibaan ama wasiir heer gobol.

Shuruudaha laga doonayo inay la yimaadaan musharrixiinta aqalka sare:

  • Qof kasta ee haya xil siyaasadeed sida baarlamaan, wasiir heer gobo lama taliye ciidan in marka hore uu iscasilaad ku dhawaaqo
  • Inuu heysto shahaado dugsi sare ama waaya aragnimo u dhiganta
  • Qof kasta oo aqalka sare u tartamaya waxaa laga doonayaa toban kun oo dollarka Maraykanka ah
  • In Madaxweynaha maamulka Galmudug uu u soo gudbiyo guddigooda qof kasta ee u tartamaya aqalka sare ee dowladda cusub

Magaalada Cadaado waxaa ka jira diyaargarow aad u ballaaran oo loogu jiro doorashada labada aqal ee baarlamaanka cusub ee dowladda soo socota kamid noqonaya.

Maalmihii dambe waxaa magaaladaasi ku sii qulqulayay masuuliyiin iyo dadyow kale oo lagu soo warramayo inay doonayaan kamid noqoshada labadaasi aqal.

Goobjoog News