U bood dhigaalka

Galmudug: Tira-koob Lagu Ogaanayo Tirada Iyo Baahiyada Booliiska Oo Ka Socda

Sheeko:Dalka

Xafiiska amniga ee maamul goboleedka Galmudug oo kaashana saraakiisha ciidamada booliska ayaa bilaabay tiro koobka ciidamada Booliska ee ku sugan deegaannada Galmudug.

Guddoomiyaha amniga Galmudug Maslax Cali Xuseen oo la Hadley Goobjoog News ayaa sheegay in ay tiro koobeen dhammaan ciidamada Booliska ee ku sugan gobolka Galgaduud hadana ay bilaabeen Tiro koobka ciidamada ku sugan Mudug.

“Saraakiisha waxaa ay bilaabeen kormeer lagu ogaanayo tiro koobka iyo tayada ciidamada Galmudug sidoo kale waxaa lagu kala ogaanayaa baahiyaha ay qabaan ciidamada iyo sida ay ukala daranyihiin waxaa la kormeerayaa saldhigyada iyo xarumaha ay ku shaqeeyaan”.

Ciidamada Booliska ee ku sugan deegaannada Galmudug ayaa qaba baahiyo isku mid ah oo la xiriira dhanka abaabul la’aanta iyada oo ciidamada mararka qaar ay ku howlgalaan gawaarida shacabka.

Goobjoog News