U bood dhigaalka

Galmudug: Waa Waajib Inaan Difaacno Dadkeena Ku Sugan Deegaanka Miircowleed

Sheeko:Dalka

Wasiir ku xigeenka wasaaradda cadaaladda Galmudug Maxamuud Guure Guuleed oo ka hadlay dagaalladii shalay ka dhacay deegaanno ka tirsan Waqooyiga gobolka Galgaduud ayaa ku eedeeyay maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya inay ka dambeeyaan hurunta dagaalkii shalay ka dhacay deegaanka Miircowleed ee gobalka Galgaduud.

Waxa uu sheegay Wasiir ku xigeenka in ciidamada Liyuu Boolis oo wata calanka Itoobiya ay dad shacab ah laayeen, sidoo kalena marar badan ay shacab ka barakiciyeen deegaanno badan, dhulka Soomaaliyana ay soo galeen in ka badan 15-km taana ay sababtay in shacabka ay dagaallamaan.

“Dagaalkaan billow ma ahayn waxa uu ahaa dagaal muddo socday, dad shacab ah oo iyagu isir sifeyn lagu sameynayay lasoo barakiciyey, markii ay dhanka Soomaaliya soo aadeen laga daba yimid, waxa falkaasi geysanayana waxay ahaayeen ciidan wata Calaamadda Itoobiya oo lagu magacaabay Liyuu Boolis, dhulka ay soo galeen waa mid Soomaaliyeed oo ay ku dagaallameen dhiigana ku daadiyeen, in ka badan 15 Km ayeey gudaha Soomaaliya usoo galeen, dhib badan ayeey shacabka u geysteen, shacabkana markii laga daba yimid hubka ayeey qaateen oo ay la dagaallameen maadaama meel walbo looga daba imaanayo walibana la dhibaateynayo, ciidankaan waxay laayeen dad badan, aqallo ayeey gubaeen horayna caruur bay gawraceen, waa dad si xun u dhaqamaya oo aan wadan dhaqanka Soomaalida waxayna noqotay in dadku xanuunsado” ayuu yiri Mr Guure.

Wasiir ku xigeenka ayaa dhinaca kale ku baaqay in wax laga qabto dhibaatooyinka ciidanka Liyuu Boolis ay u geysanayaa dadka shacabka ah, islamarkaana ay diyaar u yihiin wax walbo oo arrinkaasi lagu xalinayo, waxaana uu hoosta ka xariiqay in marnaba maamulkooda indhaha ka qarsaneyn waxyeelaynta bulshada Galmudug ee ku nool deegaannadaasi.

“Waxaan ugu baaqeynaa wanaag iyo nabad, waxaan ugu baaqeynaa dowladda Itoobiya iyo maamulka Kililka Shanaad in la joojiyo xadgudubka Liyuu Boolis, sida ugu dhaqsiyaha badanna wax looga qabto, Galmudug waxay dooneysaa walaalnimo, deris iyo wada noolaansho, hadii daandaansigaan sii socdo inaan shacabkeena difaacno ama aan ka hadalno waajib bay nagu tahay” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Wasiir ku xigeenka wasaaradda cadaaladda Galmudug Maxamuud Guure Guuleed oo la hadlay Goobjoog News.

In ka badan 10 qof ayaa ku geeriyootay dagaal shalay deegaanka Miircowleed ku dhexmaray ciidamada Liyuu Boolis iyo dad shacab ah.

Goobjoog News