U bood dhigaalka

Galmudug: Wada Hadalka Waxa uu Joogaa In Laga Wada Hadlo Sidii Loo Wada Hadli lahaa

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya Galmudug ayaa sheegaya in xaaladda Cadaado ay tahay mid adag kadib markii la isku afgaran-waayey wada hadalka sidii loo wada hadli lahaa.

Labada dhinac waxaa uu mid weliba ku adkeysanayaa go’aankiisa, dhanka madaxweyne Ducaale Xaaf waxaa ay doonayaan wada hadal aan shuruud ku xirneen halka garabka kale ay wataan shuruudo ka horeeyay wada hadal-ka toos ah.

Ilo ku dhaw Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Casir ayaa Goobjoog News u sheegay in ay garabta ka soo horjeeda Xaaf ay ku adkeysanayaan si wada hadalka loo bilaabyo shuruudahan:

  1. In uu Xaaf ka laabto go’aanka uu ku taageeray Imaaraadka iyo Sacuudiga.
  2. In uu raalli-gelin ka bixiyo, waxa ay ku sheegeen xabsi guriga uu geliyay Guddoomiyaha iyo madaxweyne ku-xigeenka.
  3. In uu aqoonsado warqadaha iyo go’aannada ka soo baxa dowladda dhexe iyo shuruudo kale

Dhinaca kale, Goobjoog News uma suurogelin in ay hesho garabta madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf  si ay uga hadlaan meesha ay taagan yihiin iyo haddii ay jiraan shuruudo ay ku xirayaan wada hadalka.

Weriyaha Goobjoog News ee Cadaado waxaa uu sheegayaa in illaa xalay saqsidii dhexe ay socdeen dadaalka dhex-dhexaadinta iyo u kala dab-qaadista ee ay wadaan Xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah.

Xildhibaannada federaalka ah oo ay ka mid yihiin: Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Aqalka sare Abshir Bukhaari, Senator Cabdi Qeybdiid, Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, Xildhibaan Mahad Salaad iyo Xildhibaan Saabir Nuur Shuriye iyo mas’uuliyiin kale ayaa shalay illaa xalay ku mashquulsanaa in la dhammeeyo xiisadda siyaasadeed ee Galmudug iyo in labada dhinac Ixtiraamaan sharciga, waxaana la filayaa in maanta ay sii ambaqaadaan dajinta xiisadda

Saaka waxaa la filayaa in wufuud kale tagaan Cadaado, waxaa jira warar kala duwan oo ka soo baxaya ujeedka wufuuddan iyo waxa ay soo kordhin karaa mar haddii ay horay meesha u sii joogeen wafti Xildhibaanno federaalka ah oo shaqada dhex-dhexaadinta ku jiray.

Maamulka Galmudug waxaa hareeyay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf oo dhinac ah iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir oo dhinac kale ah.

Wararka Xallinta xiisadda Galmudug, Kala soco, Goobjoog News