U bood dhigaalka

Galmudug: Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaallo Ka Dhacay Matabaan iyo Guriceel

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Guriceel ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in saaka ay maleeshiyaadka Al-sunna isku dayeen iney hubka ka qaataan labo askari oo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed, is rasaaseyn halkaasi ka dhacday waxaa ku dhimatay gabar reer Guriceel ah.

Dhanka kale, waxaa uu dagaal ku dhex maray magaalaada Matabaan ciidamo dowladda federaalka ah iyo qaar kale oo ka tirsan xarakada Ahlu sunna, waana  xilli uu booqanayey wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah Cabdi Maxamed Sabriye.

Dagaalka oo ka dhacay bar Kontorool oo laga galo Matabaan, Ahlu-sunna ayaa u diiday wasiir Sebriye inuu galo magaalada, laakin rasaas muddo socotay kadib waxaa loo awood sheegtay suufiyada, waxaana la sheegayaa in ciidamada dowladda ay hadda heystaan magaalada.

Wararku waxaa ay intaasi ku darayaan in hadda walaac laga qabo inta jidka loo galo safarka wasiir Sabriye, oo laga yaabo inuu dib ugu laabto Dhuusamareeb, oo marinkiisu yahay magaalada Guriceel halkaas oo wadaadadu ku awood badan yihiin.

Maalmahan dambe, waxaa aad u xun xiriirka dowladda federaalka ah iyo Ahlu-sunna, kooxda suufiyada waxaa ay Villa Somalia ku eedeeyeen iney balanta uga baxday.

Afhayeen Ahlu-sunna oo la hadlay Goobjoog News waxaa uu sheegay in wasiir Sabriye ay quus ka joogan, una qalmin iney la fariistaan, laakin ay sugayaanra’isul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Goobjoog News