U bood dhigaalka

Galmudug: Warbaahinta Madaxabannaan oo Xafiiska Kheyre Ku Eedeysay Caburin

Sheeko:Amniga

Warbaahinta madaxabannaan ee ku sugan Galmudug oo si wadajir ah ugu  qabtay shir jaraa’id magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in xafiiska ra’isul wasaare Xasan Kheyre uu ku wado caburin.

Qaar ka tirsan warfiyeenka oo hadlay ayaa sheegay in nin la dhaho “Beesaani”, oo ka tirsan xafiiska ra’isul wasaaraha, oo Cameraman ah  uu keligii qaatay dhammaan dowrkii saxaafadda, isagana uu diro.

Warfiyeenka ayaa intaasi ku daray in ninkaas uu waday hawshaas 6 bil, isaga oo lagu eedeeyey caburin, xaqiraad iyo cagajugleyn. Waxaa ay sheegeen oo kale in arrintaas aaney wax ka qaban Kheyre, guddiga dib u heshiisiinta iyo xataa guddiga farsamada.

Warfiyeeenka ayaa codsaday in saxafi laga soo diray xafiiska Kheyre aanu la wareejin shaqada saxaafadda, isla markaana aan la jajuubin warbaahinta, lana fasaxo iney gutaan hawlaha ay umadda u hayaan.

Dhankiisa, xafiiska ra’isul wasaare oo aan la xiriirnay, nooma suurogelin in aan helno.

Goobjoog News