U bood dhigaalka

Galmudug: Wasiir Hore Oo Ka Hadlay Sida Lagu Xallinkaro Khilaafyada DFS Iyo Maamul Goboleedyada

Sheeko:Dalka

Wasiirkii hore ee dastuurka Galmudug Cismaan Maxamed Cali ayaa sheegay in khilaafyada dowladda federaalka iyo maamullada lagu xallin karo qaab dastuuriya.

Siyaasi Cismaan ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News ku sheegay in khilaafyadani ay yihiin kuwa soo laablaabtay islamarkaana ay dawo u noqonayso in la kala caddeeyo awoodaha dowladda iyo maamul goboleedyada qaab dastuuri ah, wuxuuna hoosta ka xarriiqay in wixii mas’uuliyad darro ah oo ka dhasha ay wada qaadanayaan labada dhinac.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in dalku uusan noqon mid dowlado siman ay isku heystaan, balse loo hoggaansamo dastuurka KMG.

“Kolley Dastuurka waad la socotaan wax walbo waa lagu qeexay, kaliya haddii la raaco sida dastuurka KMG ee dalka u yaalla dhigayo waxaan hubaa in aysan jiri doonin cid is qabsata, ma ahan in dalkan uu yeesho dowlado wada siman, dowladda federal iyo maamul goboleedyadaba” ayuu yiri Cismaan.

Waxaa soo batay is qabqabsiga dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada dalka, iyadoo mararka qaar la isku qabsado arrin xalkeeda horey loogu sii caddeeyey dastuurka KMG ee dalka u yaalla.

Goobjoog News