U bood dhigaalka

Galmudug: Wasiir Hore oo Sababsaday Dagaal Beeleed

Sheeko:Amniga

Allah u naxariistee Daahir Shidane Abdi,  wasiirkii  hore ee Shaqaalaha dowlad goboleedka Galmudug  , ayaa goor dhow ku geeriyooday isbitaalka magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Wasiir Daahir Shidane ayaa u geeriyooday dhaawac soo gaaray, kadib markii siga dhowr kamid odayaal dhaqameedka Galmudug ah ay isku dayeen in ay  ku baxay xiisad ka colaadeed oo taagneyd deegaanka Xananbuure, una dhaxeysay labo maleeshiyo beelood oo halkaasi wada dega.

Dagaalka ayaa si kadis ah u qarxay, taas oo sababtay in wasiirkii Daahir uu dhaawac ka soo gaaro xabadihii labada dhinac ay isku ridaayeen, dhaawaca wasiirka ayaa la geeyey Isbitaalka Cadaado, xili uu qabay dhaawac aad u culus, isaga oo ugu dambeyn ku geeriyooday gudaha isbitaalka.

Wararka aan ka helayno degaanka ayaa sheegayo in dagaalka uu weli ka soconaayo  wariyaasha ayaa soo sheegayo in ilaa iyo hadda kudhowaad 10 ruux ay ku geeriyoodeen, halka ay jiraan dhaawacyo badan oo soo kala gaaray labada maleeshiyo beeleed.

Goobjoog News