U bood dhigaalka

GALMUDUG: Wasiirkii Labaad Oo Muddo 24 Saac Gudahood Iscasilay

Sheeko:Dalka

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Qorsheynta Galmudug Cabdiraxman Maxamed Cisman (Sayruuq) Ayaa Ku Dhawaaqay Inuu Iska Casilay Xilkii Wasiirnimo Ee Uu Ka Hayay Galmudug

Wasiiru dowlaha oo saxaafadda kula hadlay magaalada Cadaado ayaa ka sheekeeyay sababaha keenay iscasilaaddiisa.

Wuxuu sheegay in awoodda dowladda ah ama sharciga ay shaqsiyaad gacanta ugu jirto islamarkaana uusan sii shaqeyn Karin.

“Awoodda dowladda shaqsiyaad ayay gacanta ugu jirtaa sidaa daraadeed ma siin shaqeyn karo maanta ayaana iscasilaaddayda gudbiyay maxaa yeelay dhowr jeer baa dulqaadanayay oo islahaa wax baa isbedali doona hase yeeshee ma aynaan dhicin” ayuu yiri wasiiru dowlaha maanta Cadaado iska casilay.

Tani ayaa noqonaysa in muddo 24- saac gudahooda ay iscasilaad ku dhawaaqaan labo mudane oo ka tirsan wasiirrada Galmudug, waxaana wasiiru dowlaha iscasilay ka horreeyay wasiir ku xigeenkii Bay’ada iyo dhirta oo iscasilay isna.

Goobjoog News